7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 21, 2023
Kenya oo shaacisay iney soo afjareyso weerarada Al-shabaab ka geysto gobolka Waqooyi Bari
 

Arbaco, Juun 21, 2023 (HOL) - Wasiirka Gaashaandhigga dowladda Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa goob fagaare ah oo ku taala deegaanka Masalani oo ka tirsan ismaamulka gaarisa ka sheegay in dowladda Kenya ay gaartay go'aan lagu soo afjarayo Al-shabaabka ka dagaalama gudaha dalkaas.

Wasiir Ducaale ayaa shacabka ku nool deegaanada gobolka Waqooyi bari ugu baaqay iney la shaqeyaan ciidanka dowladda si loo soo gabagabeyo weerarada Al-shabaab ay ka geystaan gudaha dalka Kenya.

“Dagaallada iyo Rabshadaha Argagixisada waa mid u baahan in si wadajir ah loola dagaalamo, waxaa naga go’an in aan soo afjarno joogitaanka deegaanada gobolka Waqooyi Bari, Dhamaanteen waa inaan iska kaashanaa la dagaalanka Argagixisada, si aan u soo afjarno” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Kenya Aadan Barre Ducaale.

Wuxuu intaasi ku daray Wasiir Ducaale in ciidanka dowladda Kenya ay u diyaarsan yihiin la dagaalanka kooxda Shabaab, hayeeshee ay u baahan yihiin wadashaqeynta iyo taageerada dadka shacabka ah.

Hadalka wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya ayaa kusoo beegmaya, iyadoo mudooyinkii dambe ay kooxda Al-shabaab kordhisay weerarada ay ka geysaneyso deegaanada gobolka Waqooyi Bari Kenya.