7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 21, 2023
Beesha Caalamka oo ka hadashay dagaalka ka dhacay magaalada Garoowe

Arbaco, Juun 21, 2023 (HOL) - Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa soo saaray baaq deg deg ah oo ay ku dalbanayaan in la joojiyo xiisada colaadeed ee ka taagan magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland, taasoo u dhaxeysa ciidamo kala taabacsan madaxweynaha Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

War saxafadeedka kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay dhinacyada dagaalamaya in wax walba ay ku dhameeyaan miiska wadahalka.

“Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin dirirta ka socota Garowe iyo saamaynta ay ku leedahay dadka rayidka ah, Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda, laguna soo dabbaalo xasillooni. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda inay yeeshaan wadahadal, kaas oo ah tubta kaliya ee lagu xallin karo khilaafaadka" ayaa lagu yiri war saxaafadeedka kasoo baxay saaxiibada Beesha Caalamka.

Beesha Caalamka ayaa sidoo kale shegtay in qalalaasha siyaasadeed ee haatan ka taagan Garoowe ay tahay mid halis galineysa natiijadii wanaagsaneyd ee laga gaaray doorashooyinkii golaha deegaanka ee dhawaan ka dhacday Puntland.

Si kastaba ha ahaatee dagaalka ka dhacay magaalada Garoowe ayaa illaa hadda inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay 26 qof oo 6 ka mid ah yihiin ciidamada dagaalamay iyo 10 ruux oo shacab ah, halka dhaawaca uu gaarayo ku dhawaad 30 qof.

Ugu dambeyntii wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in Isimada, waxgaradka iyo Xildhibaano heer federaal ah ay ku guuleysteen in xabad joojin ay dhax dhigaan labada ciidan ee dirirtu u dhaxeyso, kuwaas oo ka aqbalay in xabadda la joojiyo.