7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2023
Dagaal saacaddan mar kale dib uga qarxay magaalada Garowe

Talaado, Juun 20, 2023 (HOL) - Dagaal culus ayaa saacaddan mar kale dib uga qarxay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, iyadoo la maqlayo daryanka madaafiic labada dhinac ay isku adeegsanayaan.

Dagaalka ayaa ka socda dhinaca koonfureed ee magaalada Garowe, waxaana uu yimid kaddib markii ay magaalada dib usoo galeen ciidamada mucaaradka, kuwaas oo mar kale isku fidiyay waddooyin maantadii dagaalka looga saaray.

Dagaalkan ayaa yimid saacado kadib markii Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Garaase oo ah labada isin ee gobolka Nugaal ay sheegeen in dhinacyada dagaalamaya ay ka aqbaleen inay xabbada joojiyaan oo ay kala qaadaan ciidamada.

Islaanka iyo suldaanka ayaa si kalsooni ku jirto warbaahinta uga sheegay inay la xiriireen maamulka iyo mucaaradka ayna ku amreen in xabbada la joojiyo, loona diyaar garoobo wadahadal.

Waxay u muuqataa in la jebiyay go'aankii isimada.