7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2023
Puntland oo war kasoo saartay dagaalkii maanta ka dhacay Garowe
 

Talaado, Juun 20, 2023 (HOL) - Taliyaha ciidanka booliiska Puntland,  gaashaanle sare Muumin Cabdi Shire ayaa sheegay inay soo afjareen koox uu ku tilmaamay cadow hubaysan oo soo weeraray xarunta baarlamaanka Puntland, oo ay ka socotay meel marinta furista dastuurka.

Taliyaha ayaa sheegay in ay ku guulaysteen inay magaalada Garowe ka saaraan kooxda soo weerartay, isagoo sheegay inay ku ururiyeen goobihii ay kasoo abaabuleen dagaalka.

Taliye Muumin waxa uu qiray inuu jiro khasaare lixaad ah oo ka dhashay dagaalka dhacay. Wuxuu sheegay cid kaste oo dagaalkaas ku lug lahayd in la dabagali doono lanasoo qaban doono.

"Waxaanu difaacaynaa dowladnimada iyo nidaamka. Waxaanu ilaalinaynaa amniga caasimadda oo ah meesha ugu muhiimsan oo Puntland leedahay", ayuu yiri taliye Muumin.

Taliyuhu wuxuu sheegay in kooxda dagaalka ay la galeen ay diideen wax kaste oo xal ah. Wuxuu sheegay inay ceeb ahayd in Garowe lagu dhex dagaalamo, balse wuxuu sheegay inay ku qasbanaayeen inay difaacaan dowladnimada.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalkii maanta ayaa geystay khasaare weyn oo dhimasho iyo dhaawac ah. Waxaa la sheegay in ka badan 20 qof in ay ku dhinteen dagaalkii maanta ka dhacay Garowe.

Dagaalka oo bilowday barqadii maanta ayaa istaagay galabnimadii. Hase ahaatee, isla galabta ayuu mar kale dib uga qarxay bannaanka magaalada, isagoo istaagay caawa maqribkii.