7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2023
Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dagaalkii maanta ka dhacay magaalada Garoowe

Talaado, Juun 20, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ahna kusimaha Madaxweynaha Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo rabshadaha iyo qalalaasaha ka socda magaalada Garoowe ee Caasimada maamulka Puntland.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa tilmaamay in dagaal uusan xal u aheyn khilaad Siyaasadeedka ka taagan magaalada Garoowe, wuxuuna ugu baaqay shacabka reer Puntland iney ka wada shaqeeyaan nabada iyo xasiloonida.

"Maamulka Puntland, oo ay ugu horreeyaan Odoyaasha dhaqanka, siyaasiyiinta, ganacsatada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ugu baaqay in ay qaataan doorkooda ku aaddan daminta colaada, lagana shaqeeyo xasiloonida deegaanka oo ay caan ku yihiin dadka reer Puntland" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Kusimaha madaxweynaha ayaa ku booriyay dhinacyada isku haaya siyaasada Puntland iney isugu yimaadan miiska wadahadalka oo ay ka shaqeeyaan nabada iyo inaan la barakin dadka shacabka ah.

Gabagabadii Dagaalka Maanta ka dhacay magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa la sheegay iney ku geeriyoodeen dad gaaraya 10 ruux oo shacab ah iyo dhaawac 13 ruux oo kale, waxaana wali magaaladaasi ka jirta xaalad kacsanaan ah.