7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2023
Xukuumadda dowlad degaanka Soomaalida oo ka hadashay dhacdadii maanta ka dhacday magaalada Qabridahar
 

Talaado, Juun 20, 2023 (HOL) - Hoggaanka Nabadgalyada ee dowlad degaanka Soomaalida Dayib Axmednuur oo Waraysi kooban siiyay Warbaahinta ku hadasha Afka Xukuumadda ee SRTV ayaa ka warbixiyay dhacdadii galinkii hore ee maanta ka dhacday magaalada Qabridahare ee Askarigu dadka ku laayay.

Ugu horreyn hoggaanku waxa uu shacabka uga tacsiyadeeyay falkii foosha xumaa ee ka dhacay maanta Qabridahare, intaa kaddib waxa uu sheegay in dowladdu ay guddi baarayaal iyo xaqiiqo raadin ah u dirtay Qabridahare, si ay usoo baadhaan dhacdadii foosha xumayd ee halkaas ka dhacday inkastoo sida uu hoggaanku sheegay uu is dilay Askarigii dadka ku laayay magaalada Qabridahare.

" Dowladdu waxay qaadaysaa tallaabooyin isugu jira in baadhis dheeri ah laga sameeyo dhacdadan ciddii ku lug yeelatana tallaabo sharci ah laga qaado, iyo inaan samayno sidii hadda kaddib aysan u dhacdeen dhacdo tan lamid ah" ayuu yiri hoggaanka Nabadgalyada ee dowlad degaanka Soomaalida.

Isagoo hadalkiisa sii wata hoggaanku waxa uu sheegay in guddiyo soo baadha dhacdadan ay u direen Qabridahare isla markaana ay ka jawaab sugayaan natiijada kasoo baxda baadhistaas, walaw Askarigii dilkan gaystay uu is dilay sida uu hoggaanku sheegay.

Dilalka ay Ciidamada Millitarigu ka gaystaan gudaha dowlad degaanka Soomaalida ayaa muddooyinkii u dambeeyay kusoo badanayey degaanka Soomaalida, horey waxaa Caasimadda degaanka Soomaalida ee Jigjiga uga dhacday in Askari Faderal Boolis ah uu dil bareer ah u gaystay Allaha ha unaxariistee Juweyriya Subcis, iyadoo Askarigii xilligaa lagu xukumay dil toogasho ah balse aan dib loo daba galin fulintii xukunkaas iyo in Askarigii laga talaabo qaado.

Shacabka degaanka Soomaalida ayaa ka murigaysan dhacdooyinkan soo noqnoqonaya ee ay gaysanayaan Ciidamada Itoobiya, iyadoo arrimahaasna aysan wali jirin tallaabo qaad dadku ku farxaan oo laga qaado Askarta dilka u gaysta shacabka aan waxba galabsan.