7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2023
Howlgal lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Jubbada Hoose
 

Talaado, Juun 20, 2023 (HOL) - Ciidamada kumaandooska Danab ayaa howlgalo qorsheysan oo saacadahii lasoo dhaafay ay ka sameyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ku dilay dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-shabaab.

Kumaanooska Danab ayaa howlgalka xoogiisa ka sameeyeen Tuulada Yaaqdabeyl oo ka tirsan Jubbada Hoose, halkaas oo ay sheegeen saraakiisha Danab iney ku dilen 13 ka mid ah dagaalyanahada kooxda Al-shabaab.

Howlgalka ayaa la sheegay in Kumaandooska Danab ay sidoo kale kusoo furteen hub farabadan oo ay wateen dagaalyahanada la dilay, kaasoo isugu jiray qoryaha AK-47, BKM iyo sidoo kale qorayga loo yaqaan Baasuukaha.

Taliyaha guutada 16-aad ee ciidanka Kumaandooska Danab Gaashaanle Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa warbaahinta qaranka u sheegay inay sii wadayaan howlgalada noocaan oo kale ah inta ay ka saarayaan kooxda deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Jubbada Hoose.

Si kastaba ha ahaatee ciidanka Danab ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliya inta badan deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Jubadda Hoose, waxaana xusid mudan in dhawaan ciidamada Danab iyo kuwa Nabadsugida Jubbaland inay magaalada Kismaayo kusoo bandhigeen meydadka xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ay kusoo dileen howlgalo qorsheysnaa.