7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2023
Dagaalkii ka socday magaalada Garowe oo istaagay
 

Talaado, Juun 20, 2023 (HOL) - Dagaalkii ka socday magaalada Garowe ayaa goor dhowayd  istaagay, inkastoo ay dhacayaan xabbado goos goos ah.

Ciidamada taabacsanaa mucaaradka ayaa dibbada uga baxay magaalada, kaddib muddo afar saacadood oo xiriir ah oo uu dagaalku socday.

Magaalada Garowe oo ahayd meel caan ku ahayd nabadda ayaa yeelatay waji colaadeed, iyadoo dhismayaal badan ay burburiyeen madaafiicda la isku adeegsanayay.

Weli si rasmi ah looma xaqiijin karo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka, balse isbitaalada gaarka loo leeyahay iyo isbitaalka guud ee Garowe ayaa la geeyay tiro maydad ah oo u badan dad shacab ah, iyo dhaawac badan.

Dagaalka oo ka dhacayay magaalada gudaheeda ayaa la aamisan yahay inuu khasaaraha ugu badan gaaray dadka shacabka ah. Wayse jiraan ciidamo labada dhinac katirsan oo dagaalka ku dhintay.

Ciidanka Puntland waxay sheegeen inay gaadiid dagaal iyo maxaabiis ku qabteen dagaalka.

Dhinaca kale, waxaa socda waan waan nabadeed oo lagu doonayo in lagu joojiyo colaadda magaalada Garowe. Madaxweyne Deni ayaa loogu baaqay inuu ciidamadiisa amro inay xabbada joojiyaan. sidoo kale saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada mucaaradka ayaa sidoo lala hadlay.