7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2023
Senator Timacadde: “Masuuliyadda koowaad ee dagaalka Garowe ka socda waxaa iska leh guddoonka baarlamaanka Puntland"
 

Talaado, Juun 20, 2023 (HOL) - Senatorada aqalka sare ee magaalada Garowe u joogay xal ka gaaridda khilaafka siyaasadeed ee arrimaha doorashada Puntland, ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalka ka socda Garowe.

Senatorada oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay inay ka xun yihiin in la dhegaysan waayay baaqyadoodii nabadeed ee ay ka wadeen magaalada Garowe, si looga hortago colaadda.

Waxay cambaareeyeen in baarlamaanku si qaldan uga howlgalay qodobada dastuuriga ah ee la isku hayay. Waxayna sheegeen dagaalka ka socda Garowe inuu ka dhashay go’aannada baarlamaanka uu gaaray ee furista dastuurka.

Guddoomiye ku xigeenka labaad aqalka sare, Cabdullaahi Xirsi Timacadde oo kamid ah Senatorada hadlay, ayaa si adag u cambaareeyay guddoonka baarlamaanka Puntland, isagoo sheegay inay ku qaldanaayeen inay soo hormarinayaan qodobobka furista dastuurka oo uu sheegay inay dartiis ciidamo isku horfadhiyeen, colaaduna ay ka kacday.

“Masuuliyadda koowaad ee dagaalka waxaa iska leh guddoonka baarlamaanka. Waa kheyru masuuliyiin,” ayuu yiri guddoomiye Timcadde.

“Waxaa nasiib darro ah in aanay jirin cid na dhegaysatay, ayna dhacday guul darrada maanta taagan. Senatorada Puntland waxay cambaareynayaan ciddii ka qeyb qaatay hurinta dagaalka maanta ka socda Garowe,” ayay tiri Senator Seynab Tiimbiye oo kamid ah Senatorada Garowe u jooga xal raadinta.

Si kastaba ha ahaatee, Senatoradu waxay ku baaqeen in si sharuud la’aan ah loo joojiyo dagaalka. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la raadiyo xal siyaasasadeed oo lagu joojinayo dagaalka. Waxay sheegeen inay Garowe sii joogayaan oo ay wadayaan dadaalka lagu joojinayo colaadda.