7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2023
Baarlamaanka Puntland oo furay dastuurka xilli magaalada Garowe uu ka socda dagaal xooggan
 

Talaado, Juun 20, 2023 (HOL) - Baarlamaanka maamulka Puntland ayaa si rasmi ah furay dastuurka Puntland, si wax looga beddelo qodob ku saabsan tirada ururada siyaasadeed ee usoo gudbaya xisbi.

34 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah ugu codeeyay in dastuurka la furo. Kaddib markii guddi gaar ah oo loo xilsaaray furista dastuurka ay baarlamaanka ka hor aqriyeen warbixin ay kasoo diyaariyeen furista dastuurka.

Hal xildhibaan ayaa diiday in dastuurka la furo.

Furista dastuurka oo ah arrin aad la isugu khilaafsan yahay, ayaa ujeeddadiisu tahay in la beddelo qodob dastuuri ah oo sheegaya in ururada usoo gudbaya xisbiyada ay noqdaan saddexda urur ee ugu codadka badan, balse wax ka beddelkan wuxuu oggolaanayaa inay soo gudbaan shanta urur ugu codadka badan.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli magaalada Garowe uu haatan ka socda dagaal aad u bxooggan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaradka.

Dagaalka oo socda muddo labo saacadood ka badan ayaa bilowday markii uu baarlamaanku bilaabay doodda la xiriirta furista dastuurka.

Ciidamada labada dhinac ayaa ku dhex dagaalamaya magaalada gudaheeda, iyadoo rasaasta ay isweydaarsanayeen ay ku geeriyoodeen tiro dad shacab ah.

Sidoo labada dhinac ee dagaalamaya waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo saaray. sidoo kale burbur xooggan ayaa ka dhashay madaafiicda la isku garaacayo.

Waxaa guud ahaan istaagay dhaqdhaaqii ganacsiga iyo isku socodka. Dad badan ayaa magaalada ka qaxaya, si ay uga fogaadaan waxyeelada dagaalka socda.