7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2023
Dagaal u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo kuwa mucaaradka oo ka socda Garowe

Talaado, Juun 20, 2023 (HOL) - Dagaal culus oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaradka ayaa hadda ka socda magaalada Garowe.

Dagaalka ayaa bilowday markii ay soo baxayeen warar sheegaya in baarlamaanka uu bilaabay doodda furista dastuurka, xilli wararka qaar ay sheegayaan in baarlamaanku furay dastuurka.

Dagaalka ayaa la isku adeegsanayaa hubka culus, wuxuuna xooggiisa ka socdaa bartamaha magaalada gaar ahaan aagga barlamaanka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada mucaaradku ay duqaynayaan xarunta baarlamaanka, halkaas oo uu baarlamaanku ku sugan yahay, ugana socoto doodda dastuurka.

Waxaa la sheegayaa inuu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalka socda, balse weli si dhab ah looma oga.

Wixii faahfaahin ah oo kusoo kordha la socda.