7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2023
Askari kamid ah Ciidamada Itoobiya oo maanta dad Shacab ah ku laayay magaalada Qabridahare ee dowlad degaanka Soomaalida
 

Talaado, Juun 20, 2023 (HOL) - Wararka aanu ka helayno dowlad degaanka Soomaalida gaar ahaan magaalada Qabridahare ayaa sheegaya in Askari ka tirsan Ciidanka Milliyariga Itoobiya uu Rasaas ku furay dad shacab ahaa oo degganaa magaalada Qabridahare, sida dad goob joogayaal ah ay u xaqiijiyeen Hiiraan Online.

Askarigan ayaa subaxnimadii hore ee maanta waxa uu soo galay magaalada Qabridahare isagoo ku qalabaysan qorigiisa, waxa uuna Rasaas ku furay cid kasta oo kasoo horbaxda isagoon qofna u aaba yeelin, waxayna wararku sheegayaan in ilaa 5 qof, oo 4 ay Rag yihiin midna ay qof dumar ah oo Hooyo ah tahay ay ku geeriyoodeen Rasaasta uu Askarigaasi ku furay dadkan.

Sidoo kale dhaawac ayaa aad u badan walow qaar kamid ah dadka dhaawaca ah xaaladooda laga dayrinayo, waxaana dadkaas lagu dabiibayaa Isbitaalka weyn ee magaalada Qabridahare.

Lama ogaan sababta keentay in Askarigan kamidka ah Ciidamada Miliyariga Itoobiya uu Rasaas ooda kaga qaado dad shacab ah oo aan waxba galabsan, iyadoo dhinaca kalena magaalada Qabridahare uu ka jiro maanta buuq iyo sawaxan ay keentay dhacdadan argagaxa leh ee saaka ka dhacday magaalada Qabridahare.

Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Xukuumadda degaanka Soomaalida, mana jirto ilaa iyo hadda warar xaqiijin kara in la qabtay Askarigii dadkan laayay iyo in kale.

Dadka degaanka ayaa dhacdadan ku tilmaamay mid argagax leh, iyadoo magaaladuna marar kala duwan sidan kale ay uga dhaceen falal noocan oo kale ah oo ay gaysteen Ciidamada Itoobiya. Mana jirto ilaa iyo hadda cid lagaga tallaabo qaaday arrimaha noocan oo kale ah ee ay u dambaysay tan maanta, sida dad xogagaal ah ay u sheegeen Warbaahinta.