7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 20, 2023
Senetorada kasoo jeeda Puntland oo wada dadaalo lagu dhex dhexaadinayo madaxweyne Deni iyo mucaaradka
 

Talaado, Juun 20, 2023 (HOL) - Senatoro katirsan aqalka sare oo ku sugan magaalada Garowe  ayaa wada dadaalo xal loogu raadinayo khilaafka ka dhex taagan madaxweyne Deni iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Senatarada ayaa xalay kulan albaabada u xiran yahay la qaatay madaxweyne Deni waxayna kala hadleen sidii looga hortagi lahaa in khilaafka doorashada isku beddelo gacan ka hadal.

Senatorada waxay madaxweyne Deni u gudbiyeen baaqooda ku aadan in xal laga gaaro khikaafka arrimaha doorashada, si loo ilaaliyo midnimada Puntland, amniga iyo xasiloonida.

Weli lama  xaqiijin in senatoradu la kulmeen dhinaca siyaasiyiinta mucaaradka.

Marka laga tago kulanka xalay dhexmaray Deni iyo Sanatorada, waxaa saaka xiran inta badan waddooyinka magaalada Garowe. Waxaa jirta cabsi weyn oo laga qabo isku dhac dhexmara ciidamada Puntland iyo kuwa taabacsan mucaaradka.

Inta badan dhaqaaqa ganacsiga, isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa istaagay qeybo badan oo kamid ah magaalada Garowe.

Ciidamada maamulka iyo kuwa mucaaradka ayaa isku horfadhiya goobo aan kala fogayn, arrintaas oo keentay welwel aad u weyn. Iyadoo dadkuna ay bilaabeen inay ka qaxaan xaafadaha qaarkood.

Xiisada ugu weyn ayaa ah furitaanka dastuurka Punland, arrimtaas oo hadda ay ka shaqeynayaan baarlamaanka maamulka Puntland.