4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 2 , 2023
Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay muhiimada ku biirista Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika

Jimco, Juun 2, 2023 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Daa'uud Aweys Jaamac ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay ku biirista dowladda Soomaaliya Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika ee (EAC).

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in madaxda dowladaha xubnaha ka ah Ururka in kulankoodii 21-aad oo ka dhacay Caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura in si rasmi ah ay u ansixiyeen codsiga dowladda Soomaaliya ee ku biirista Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika.

"Sida aad la wada socotaan tan iyo markii sannad ka hor la doortay Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa muhiimad uu siiyay xoojinta xiriirka gobolka iyo kan caalamiga ah. Bishii July Madaxweynaha waxaa uu si xubin sharafeed ahaan uga qeybgaley Shir Madaxeedkii EAC ee lagu qabtey magaalada Arusha ee dalka Tanzania, Waxaana wax lagu faano ah in wax sannad ka yar ay Soomaaliya kasbatey kalsoonida waddamada xubnaha ka ah ururka oo isla qaatey in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika" ayuu yiri Wasiir Daa'uud Aweys.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya in ku biirista Ururkan ee Soomaaliya ay keeni doonto faa'idooyin badan oo ay ka mid tahay diblomaasiyadda, is dhexgalka bulshada, isku socodka, ganacsiga iyo dhaqaalaha, waxbarashada iyo iskaashi dhan walba leh.

Urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika oo ay ku bahoodeen ilaa 8 wadan ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed fursad u siin doona inay ka howlgalaan dhamaan 8-da dal ee ururku ka kooban yahay.