4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 2 , 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyay aqbalaada codsiga Soomaaliya ee Dallada (EAC)

Jimco, Juun 2, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyey aqbaaladda codsiga rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya ay ku dooneysay ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo ay qalinka ku duugeen Madaxda dalalka ku mideysan dalladan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa oo ugu horeyn ugu hambalyeeyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ansixinta codsiga ku aadan ku biiridda EAC Daladda Bulshada Variga Afrika.

Wuxuu tilmaamay in arintaani ay tahay talaabo wanaagsan oo ka turjimeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo mira dhalka qorsheyaasha qaran ee ku aaddan soo celinta doorkii ay dowladda Soomaaliya ay ku laheyd gobolka iyo guud ahaan qaaradda Afrika.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo dul istaagay faa’iidooyinka dhaqan-dhaqaale, amni iyo siyaasadeed ee dalkeennu uu ka dhaxlayo ka mid noqoshada Dallada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa sheegay in haataan ay dowladdu bilowday wada-xaajoodyada danwadaagga labada dhinac iyo qeybaha la iska kaashanayo, si uu isugu dheelli-tirnaado wax-wadaqabsigu" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxtooyada Soomaaliya.

Gabagabadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Madaxda dalalka Dallada Bulshada Bariga Afrika iyo Guddiyada farsamo ee ka shaqeyna ka mid noqoshada Soomaaliya ee dalladan oo fursad u siiyay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in ay la midoobaan dalalka la mid ka ah ee ku bahoobay dalladan (EAC).