7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 19, 2023
Dowladda Soomaaliya oo shaacisay magacyada saraakiisha Alshabaab ee lagu bartilmaameesaday duqayntii Jamaame

Isniin, Juun 19, 2023 (HOL) - Dowladda Soomaaliyaa ayaa sheegtay in howlgalkii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka dhacay 16-kii June aagga Jamaame, uu ahaa guul wax ku ool ah oo laga gaaray dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka, duqeynta ayaa lagu bartilmaameesaday Aadan Cabdiraxmaan Aadan iyo ku xigeenkiisa Idiris Cabdiraxiim Nuur oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Kenya.

Waxay dowladdu sheegtay in guud ahaan Shabaabkii ku sugnaa goobta la weeraray ay ahaayeen 43 xubnood oo ay ku jireen dagaalamayaal loo diyaarinayay howlgal.

Lama sheegin in ay weerarka ku geeriyoodeen saraakiisha bartilmaameedka u ahaa, inkastoo uu jiro  khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay weerarkaas.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday goob ay ku shirsanaayeen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaan 14 KM u jira degmada Jaamame ee gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in kulanka lagu qorsheynayay in lagu weeraro saldhigga Baar Sanguuni oo fariisin u ah Ciidamada Dowladda iyo kuwa Jubbaland.