7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 19, 2023
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo kulan albaabada u xiran hadda kula leh Baledweyne Odayaasha dhaqanka

Isniin, Juun 19, 2023 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo uu wehlinaayo guddoomiyaha magacaaban ee gobolka Hiiraan Cabdullaahi Axmed Maalin Sufurow ayaa haataan kulan kula leh gudaha magaalada Baledweyne Odoyaasha dhaqanka gobolka Hiiraan.

Kulanka oo ah mid ay saxaafada banaan joog ka tahay ayaa ah mid looga hadlaayo xaalada siyaasadeed ee ka taagan Baledweyne oo ka dhalatay xilka qaadista lagu sameeyay guddoomiyahii maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed oo aanan wali si rasmi ah u cadeyn mowqifkiisa ku aadan xilka qaadista Cali Jeyte ayaa lagu wada kulanka kadib inuu saxaafada shir jaraa'id u qabto.

Kulankaan ayaa imaanaya, iyadoo Cali Jeyte Cismaan uu si cad uga horyimid xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, islamarkaana ay taageero heer sare ah u muujiyeen inta badan Xildhibaanada Beesha Xawaadle ku matala Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Halkaan kala soco wixi kasoo baxa kulanka haatan socda.