7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 19, 2023
Madaxweynaha Uganda oo sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya u iibiniyaan diyaaradaha Droneska
 

Isniin, Juun 19, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dalka Uganda Museveni ayaa sheegay inay ku qasban yihiin inay soo iibsadaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka haddii aysan taageero ka heli karin la-hawlgalayaasheeda.

Madaxweyne Museveni ayaa sheegay inay taageero xagga hawada ah ka doonayeen Turkiga iyo Maraykanka, balse aanay waligood ka helin taageeradaas.

Mr Museveni wuxuu ku eedeeyay ciidamada Mareykanka ee kaga howlgala Soomaaliya diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ah in aysan wax jawaab ah ka bixin weerarkii lagu qaaday saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer.

Hadalkan ayuu madaxweynha Uganda ka sheegay kulan uu la qaatay taliyayaasha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS. Kulankaas oo Museveni uu dhaleecayn ugu jeediyay dalalka Soomaaliya ka taageera weerarada dhinaca cirka.

Uganda ayaa 54 askari ku weyday weerarka dhammaadkii bishii ka dhacay saldhigga Buulo Mareer.