7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 19, 2023
Ciidanka Puntland iyo kuwa mucaaradka oo saakay isku horfadhiya gudaha magaalada Garowe

Isniin, Juun 19, 2023 (HOL) - Xiisado colaadeed oo aad u kacsan ayaa xalay illaa saakay laga dareemayaa magaalada Garowe ee caasimadda maamulka Puntland.

Ciidamada mucaaradka oo awal hore ku sugnaa bannaanka magaalada, ayaa lagu waabariistay iyagoo gudaha usoo galay qeybo kamid ah magaalada, islamarkaana jidgooyo dhigtay qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada.

Warar aanu helnay ayaa sheegaya in arrintaan ay ka dambeysay kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in baarlamaanka Puntland uu doonayo inuu soo horumariyo furista dastuurka, si ay wax uga beddelaan qodobo ku saabsan tirada xisbiyada siyaasadeed.

Madaxweyne Deni ayaa la sheegayaa inuu gadaal ka riixayo in baarlamaanku dadajiyo furista dastuurka, waxaana uu hadda ciidamo aad u badan geeyay xarumo dowladda iyo jidadka qaar, si uu uga hortago in cmucaaradka ay weerar soo qaadaan.

Dhaqdhaqaaqyada ciidan ee iskasoo horjeeda ayaa saamayn weyn ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka. Sidoo kale, dadweynaha degenaa aagga xarunta baarlamaanka ayaa bilaabay inay qaxaan.

Waxaa intaas dheer, waxaa magaalada saakaydii hore laga maqlayay daryanka qoryaha darandooriga u dhaca, kuwaas oo ay isticmaalayeen ciidamada mucaaradka ee la baxay kumaandooska Danab.

Ciidankan ayaa maalmo ka hor baarlamaanka uga digay inay qaadaan tallaabo kaste oo ku saabsan arrimaha dastuurka. Waxayna sheegeen inay la xisaabtami doonaan ciddii falkaas ku kacda.