7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 18, 2023
Maxaa ka jira in Al-shabaab 2 Milyan oo doolar ay ku bixisay xilka qaadista Cali Jeyte?
 

Axad, Juun 18, 2023 (HOL) - Iyadoo wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen xilka looga qaaday guddoomiyahii maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa arinkaasi waxaa si kulul uga hadlay Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Xidlhibaan Maxamed Cabduqaadir Maxamed oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka ee kasoo jeedo gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xilka qaadista lagu sameeyay guddoomiyihii gobolka Cali Jayte Cismaan iney tahay mid kooxda Al-shabaab ay ka dambeyso oo ay ku bixisay lacag dhan laba Milyan oo doolar si gobolka loo dhaafiyo Cali Jeyte.

“Warqadii ugu qaalisaneed ee soo baxday qarniga 21-aad laguna gatay inta illaaa iyo hada aan ognahay 2 million oo dollar ee ay argagixisadu bixisay si looga hor wareejiyo Guddoomiye Cali Jeyte Cismaan” ayuu ku yiri xildhibaan Maxamed Cabduqaadir qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale xusay in kooxda ay horay madaxa guddoomiye Cali Jeyte ay u duldhigtay lacag dhan hal Milyan oo doolar Mareykanka ah.

“Cali Jeyte waxuu noqday qofkii Soomaaliyeed ee ugu horeeyay oo ay dilkiisa argagixisadu ku bixisay qarash dhan 1 Million Dollar , Marki ay u suurageli waaysayna ku bixisay 2 Million Xil ka qaadistiisa” ayuu ku yiri  xildhibaan Maxamed Cabduqaadir qoraalka uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Si kastaba ha ahaatee siyaasiyiin caan ah oo uu ka mid yahay madaxweynahii hore ee Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa horay uga digay in xilka qaadis lagu sameeyo guddoomiye Jeyte, isagoo sheegay in uu helay xog Al-shabaab ku dooneysay in Jeyte xilka qaadistiisa ay ku bixineyso lacag dhan Laba Milyan oo doolar, taasoo uu haatan markale Xildhibaanka uu shaaciyay in Al-shabaab ay ku guleysatay hadafkeedii.