7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 18, 2023
Somaliland oo ciidamo cusub oo tababar dhamaystay u diraysa Sool, xili xiisad dagaal taagantahay
 

Axad, Juun 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland ayaa tababar usoo xidhay ciidamo millteri ah oo tababar dhamaystay, kuwaasi oo ku biiri doona ciidamada Somaliland ee ku sugan jiidaha Sool.

Taliyaha Millateriga Nuux Ismaaciil Taani, oo ka warbixiyay ciidanka ayaa sheegay in ciidanka tababarka loosoo xidhay uu yahay in yar oo kamid ah ciidan faro badan oo tababar ugu jira kulliyadaha Sheekh, Badar Wanaag, Dararwayne, iyo Goroyocowl, isla markaana loo qaadi doono gobolka Sool.

Taani ayaa dhanka kale Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Dani, ku eedeeyay in uu doonayo in uu Sool ka dagaalamo, isaga oo sheegay in Somaliland awood isticmaali doonto.

"Madaxweynaha Puntland wuu caddaystay maalintii dhawayd oo wuxuu yidhi weerar ayaan ku qaadayaa halkaa, mudane madaxweyne arrimihii way joogsan waayeen wataa Puntland leedahay anaga dagaalamayna, hadaanu markii hore xaraga dagaalamaynay, maanta waa la is xiniinyo taabanayaa" ayuu Taani ku hanjabay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo isaguna goobta hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay xaalada dagaalka Sool, waxa uuna tilmaamay in loo baahanyahay in wadahadal lagu xaliyo colaada.

"Waxaynu ugu baaqaynaa cid walba nabad, cidii nabada diidana waan iska celinaynaa, dadkeenaa Sool waxaynu leenahay hadii caqli in uun la isticmaalayo wadahadal uunbaynu wax ku xalin karnaa" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in colaada Sool ay tahay mid Somaliland gudaheeda ka jirta, isla markaana loo baahanyahay in laga wadahadlo, isaga oo sheegay in dagaalku khasaaraha uun kordhin doono, waxa kale oo uu sheegay in qofkii aan nabad doonayna laga qaadi doono talaabo ciidan oo adag.

Xiisada dagaalka ee magaalada Laascaanood, ayaa wali taagan, inkasta oo anay maalmahan dagaalo toos ahi dhicin, hadana dhinacyada ayaa hadalo xanaf leh hawada isku marinaya, ilaa iyo hadana ma jirto waan waan muuqata oo dagaalka lagu joojinayo.