7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 18, 2023
ATMIS iyo Mareykanka oo ka wada hadlay ammaanka Soomaaliya ka hor bixitaanka ciidamada ATMIS

Axad, Juun 18, 2023 (HOL) - Saraakiisha ugu sareysa ciidamada Mareykanka iyo Taliyeyaasha sarsare ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa ka wada hadlay xaaladda ammaan ee Soomaaliya ka hor bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo uu soo saaray Atmis waxa uu ku sheegay in Taliyaha Ciidanka ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding, Taliye ku xigeenka Ciidanka ee dhinaca Taakulaynta iyo Saadka Maj. Gen. Peter Kimani Muteti iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada ATMIS ay la kulmeen Lt. Gen. Jonathan Braga, Taliyaha Ciidanka howlgallada gaarka ah ee ciidamada Mareykanka iyo Rear Admiral Jamie Sands, taliyaha Ciidamada Badda Mareykanka ee Howlgalka Gaarka ah u qaabilsan Afrika, gaar ahaan ATMIS.

Taliyaha Ciidanka ATMIS ayaa sheegay in wada hadalada albaabada u xirnaa ay diiradda ku saareen sidii loo taageeri lahaa dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sugo amniga iyo xasiloonida maadaama ciidamada ATMIS-ta ay si tartiib tartiib ah meesha uga baxayaan oo ay ku wareejinayaan mas’uuliyadda amniga.

“Mareykanku waa mid ka mid ah saaxiibadayada caalamiga ah. Waxa kale oo ay ku dareen hawl-galkan dhaqaale badan, waxaana ka wada hadalnay arrimo muhiim ah,” ayuu yidhi Lt. Gen. Okiding ka dib kulanka.

"Waxaan ku jirnaa geeddi-socodkii kala-guurka, marka ATMIS uu ka baxo, waa inaan ku faannaa walaalaheenna ku haray inay gacanta ku dhigaan amniga dalkooda. Taasi waa rajadayada iyo ducadayada,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Rear Admiral Jamie Sands ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid lagu xaqiijinayo sida ay Mareykanka uga go’an tahay iskaashiga ATMIS iyo taageerada Soomaaliya ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay waxa uu taageero dhanka amniga ah oo ay ka mid yihiin saadka, iyo taageerada dhaqaale uu siinayay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.