7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 18, 2023
Ciidamo aad u hubeysan oo xiray isku socodka gudaha magaalada Baledweyne

Axad, Juun 18, 2023 (HOL) - Dadka ku dhaqan magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa saakay kusoo toosay ciidamo aad u farabadan oo xiray isku socodka wadada ugu muhiimsan Baledweyne.

Ciidamada xirtay wadada laamiga ah ee Halbowlaha u ah isku socodka guud ee gudaha Baledweyne ilaa garoonka diyaaradaha ayaa la sheegay iney yihiin Macawiisleey.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ciidanka Macawiisleeyda ay xiraan isku socodka dadka iyo gaadiidka isticmaala gudaha Baledweyne.

Arintaan ayaa imaaneysa, iyadoo Xalay saqdii dhexe la shaaciyay warqad xilka uu kaga qaaday madaxweynaha Hirshabeelle guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, lamana oga wali in ciidanka Macawiisleeyda xerista wadooyinka Baledweyne iney la xarirto xilka qaadista Jeyte iyo inkale.

Majirto wax war ah oo ilaa hada kasoo baxay guddoomiyaha xilka laga qaaday Cali Jeyte Cismaan oo ku aadan xilka qaadista uu ku sameeyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, hayeeshee waxaa la filaya in saacadaha soo socda uu arinkaasi ka hadlo guddoomiye Jeyte.

Cali Jeyte ayaa ah shaqsi lagu xasuusto doorkii weyna uu kasoo qaatay wajiga koowaad ee howlgaladii ka dhanka ahaa Al-shabaab ee looga saaray kooxda guud ahaan Bariga gobolka Hiiraan, islamarkaana ku faafay inta badan ee gobolada dalka.