7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 18, 2023
Meydka Muwaadin Soomaaliyeed oo laga helay goob Tareenada laga raaco oo ku taala dalka Jarmalka

Axad, Juun 18, 2023 (HOL) - Meydka muwaadinka Soomaaliyeed oo dhalinyaro ah ayaa laga helay goob laga raaco Tareenada oo ku taala magaalada Marburg ee dalka Jarmalka.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee meydkiisa la helay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Saraxdiid, kaasoo ka mid ahaa dadka magangalya doonka ah ee dhawaan tagay dalkaas Jarmalka.

Jaaliyada Soomaalida ee dalkaas ayaa ku wargeliyey Booliiska Magaalada Marburg geerida mwaadinka Soomaaliyeed ee loo maleynayo inuu tareenku jiiray.

Ma cada in wiilkaan Soomaaliga ah uu isku dhigay Tareenka iyo in kale, waxaasa Booliiska oo magaaladaasi ay sheegeen iney wadaan baaritaano la xariira waxa sababay dilkiisa, islamarkaana ay soo saari doonaan natiijada kasoo baxda baartaanka.

Wadanka Jarmalka ayaa Soomaalida ku nool waxaa lagu qiyaasaa iney gaarayaan  ilaa 60 kun oo qof sida ay muuinayaan tirakoobyo qiyaas ah oo laga sameeyey dalkaas.