7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 17, 2023
Gudoomiyihii Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo xilka laga qaaday

Sabti, Juun 17, 2023 (HOL) - Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in xilka looga qaaday Guddoomiyihii Gobalka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan oo kaalin weyn ka qaatay dagaalka ururka Al-shabaab.

Xil ka qaadista ayaa lagu shaaciyay wareegto uu ku saxiixnaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo sidoo kale xilka Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan u magacaabay Cabdullaahi Axmed Maalin (Sufurow).

Masuulka xilka laga qaaday oo marar kala duwan horay u noqday guddoomiyaha gobalka Hiiraan, ayaa bilihii la soo dhaafay wuxuu hoggaaminaayay ciidamada maamulkaas iyo kuwa deegaanka ee guulaha ka gaaray dagaalka lagula jiro xoogaga Al Shabaab.

Hoos ka akhriso wareegtada