7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 17, 2023
Shil gaadhi oo dad ku dhinteen oo maanta ka dhacay degmada Shinniile ee dowlad degaanka Soomaalida

Sabti, Juun 17, 2023 (HOL) - Wararka aanu ka helayno degmada Shiniile ee dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in galinkii dambe ee maanta uu shil gaadhi ka dhacay meel u dhow degmada Shiniile, kaddib markii ay isku dhaceen gaadhi Jaad siday oo usii socday goobta lagu magacaabo Xaarey oo ka tirsan degmada Shinniile iyo Tareen ka yimid dhinaca Jabuuti oo usoo socday magaalada Diridhabe.

Sida dad goobjoogayaal ahi u sheegeen Warbaahinta gaadhiga Jaadka siday ayaa waxaa ku dhacay Tareen ka yimid dhinaca Jabuuti oo u socday magaalada Diridhabe, lamana ogaan ilaa iyo hadda sababta keentay inay isku dhacaan gaadhigaas oo ahaa nooca loo yaqaano ISUZU oo Jaad siday iyo Tareenka.  

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay geerida 4 qof iyo dhaawaca ilaa 24 qof oo qaarkood xaalad halis ah ku jiraan, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen dadka degaankaas oo la hadlay Warbaahinta maxalliga ah.

Dhaawaca oo isugu jira kuwo xaaladoodu sii daran tahay iyo kuwo xaaladoodu sahlan tahay ayaa wakhti xaadirkan lagu dabiibayaa Isbitaalka wayn ee Faarax faras ee ku yaal magaalada Shiniile.

 Shilalka noocan oo kale ah ayaa badanaa ka dhaca xadiidka dheer ee uu maro Tareenka u kala socdaala Jabuuti iyo Diridhabe, halkaas oo badanaa shilku ka dhaco markay isku dhacaan gaadhi tallaabaya ama dhex maraya jidka xadiidka ah ee Tareenku maro iyo Tareenkii oo badanaa xawli ku socda, waxaana halkaas ka dhasha shil inta badan keena khasaare badan oo naf iyo maalba leh.