7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 17, 2023
Maamulka Jubbaland oo ka hadlay xaalada gobolka Gedo
 

Sabti, Juun 17, 2023 (HOL) - Maamulka Jubbaland ayaa shaaca ka qaaday inuu ka walaacsan yahay xaalada gobolka Gedo oo ay tilmaameen iney hurinayaan shaqsiyaad dano gaara kaleh kala qeybinta dadka reer Jubbaland.

War qoraalka ah oo kasoo baxay Jubbaland ayaa lagu sheegay in gobolka Gedo maamulka Jubbaland ay ku matalaan 26 Xldhibaan, halka heer Fedaraal ay ku Matalaan 16 Xildhibaan, islamarkaana 98% kiiba ay taageersan yihiin maamulka Jubbaland.

Jubbaland ayaa ka dalbatay dowladda Fedaraalka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada iney ku garab istaagaan gudashada waajibaadka howlaha Dastuuriga ah.

Warkaan kasoo baxay dowlad goboleedka Jubbaland ayaa kusoo beegmaya, iyadoo xiisad adag ay ka taagan tahay gobolka Gedo, taasoo salka ku hayso khilaaf mudo dheer soo jiitamayay oo u dhaxeeya maamulka horay ugu magacawna Gedo iyo madaxda Jubbaland.

Khilaafka ayaa markale cirka isku shareeray markii madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu maamul cusub u magacaabay dhawaan gobolka Gedo, islamarkaana loo diiday maamulka cusub inuu ka dago magaalada Garbahaareey ee xarunta gobolkaas.

Hooska akhriso warka kasoo baxay Jubbaland oo faahfaahsan:-