7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 17, 2023
Raysal wasaare Xamse oo sheegay in Xukuumaddiisa sanad ka yar ku shaqaaley siisay 23 kun oo Somali ah
 

Sabti, Juun 17, 2023 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumada Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Maanta ka hadlaayay munaasabad tababar loogu furaayay 3,000 oo Macallimiin cusub ah oo ay dhawaan qaadatay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumadiisa ay ku guuleysatay shaqaaleysiinta tiradii ugu badneed oo dhalinyaro ah.

Macalimiinta Maanta tababarka looga furay xarunta Dugsiga Tababarka Ciidanka Booliiska ee Jeneral Kaahiye ayaa lagu wadaa iney shaqo gelaan bisha September ee sanadkan.

Wuxuu tilmaamay Raysal wasaaraha in Xukumadiisa ay ku guuleysatay mudo sanad ka yar iney shaqaaleysiiso 23 kun oo muwaadiniin Soomaaliyeed ah.

Raysal wasaare Xamse ayaa sheegay in Waxbarashada ay qeyb muhiim ah ka qaadato horumarka dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Waxuuna ku booriyay macallimiinta cusub iney soo saaraan Ardey wanaagsan oo tayo leh.

“In qarashka dowladda lagu daro macallimiin gaaraysa 3,000 waxay ahayd arrin adag, Xukuumadda DanQaran iyadoon sannad joogin waxay ku guuleysatay shaqaaleysiinta 23 kun oo Soomaali ah, isuguna jira, 20 kun oo ciidan ah oo kala wareegi doona amniga dalka ATMIS dhammaadka 2024 iyo 3kun oo Macallin" ayuu yiri Raysal Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xamse Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, sida ay ahmiyadda u siineyso kor u qaadista tayada Waxbarashada dalka, wuxuu ku adkeeyey iney sii xoojiyaan dadaalkooda muhiim ah.