7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 17, 2023
Madaxweyne Deni oo shaqadii ka eryay wasiirkiisii amniga iyo wasiir ku xigeen kale
 

Sabti, Juun 17, 2023 (HOL) - Madaxweyne Deni ayaa xilkii ka qaaday wasiirkii amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan iyo wasiir ku xigeenkii arrimaha gudaha, Cabdiweli Xirsi Mire.

Wareegto xilka looga qaaday oo kasoo baxday madaxtooyada Puntland, ayaa sabab looga dhigay xil ka qaadistooda, shaqo gudasho la’aan.

Wasiirka amniga Puntland, Cabdisamad Gallan ayaa kamid ahaa wasiiradda ugu saamayn badan Puntland, waxaana xilka ka qaadiddiisa ay kusoo beegantay xilli madaxweyne Deni ay qoryaha isku sitaan saaxiibadiisa hore.

Sida wasiirka hore ee maaliyadda iyo saraakiil ciidan oo lasoo shaqeeyay, kuwaas oo haatan hortaagan in doorashada qof iyo cod laga fuliyo Garowe iyo labo degmo oo kale.

Warar aan helnay waxay sheegayaan in muddo ah inuusan wanaagsanayn xiriirka madaxweyne Deni iyo wasiirkiisa amniga oo muddo bilo ah aan xafiiskiisa fadhiisan.

Sida aan xogta ku helnay, Deni ayaa sidoo kale lagu wadaa inuu shaqada ka eryo qaar kaloo katirsan xukuumaddiisa, isagoo doonaya inuu ku beddesho xubno kaga saamayn badan beelaha ay kasoo jeedaan, si ay qorshahiisa doorashada ugala shaqeeyaan.