7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 17, 2023
Shan gabdhood oo Soomaali ah oo ku geeriyooday shil gaari oo ka dhacay Minneapolis
 

Sabti, Juun 17, 2023 (HOL) - Shan gabdhood oo Soomaali ah ayaa ku geerriyooday shil gaari oo ka dhacay magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka. Saddex kamid ah gabadha geeriyooday ayaa ahaa walaalo.

Shilkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa waddada Legos iyo Lake St, kaddib markii gaari yar oo ay gabdhuhu la socdeen uu ku dhacay gaari kale oo xawaare saa’id ah ku soconayay.

Gaariga shilka geystay oo ahaa gaari weyn ayaa la sheegay inuu booliisku baacsanayay.

Booliiska ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay darawalka masuulka ka ah shilkan, iyadoo haatan baaritaan uu ku socdo.

Qaar kamid ah Soomaalida ka agdhowayd goobta uu shilku ka dhacay ayaa sheegay gabdhaha geeriyooday inay ahaayeen kuwa isku diyaarinayay xaflado qallin jebin ah.

Waxay sheegeen inay gabdhuhu kasoo laabteen suuqa, iyagoo soo iibsaday haddiyado iyo alaabo kale oo ay ugu talo galeen qallin jebintooda

Waxay ku tilmaameen shilkii ugu xumaa ee ka dhaca Minneapolis oo ay ku geeriyoodaan dad Soomaaliyeed.