7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 17, 2023
Maxay tahay sababta Turkiga iyo Hungary ay uga horjoogaan Sweden ku biiritaanka NATO?

Sabti, Juun 17, 2023 (HOL) - Bartamaha bisha Julay ee sannadkan, 31ka xubnood ee militeriga (NATO), ayaa shir-madaxeedkooda sannadlaha ahaa ku qaban doona dalka Lithuania. Si loogu diyaar garoobo shirka, xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa la kulmay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden si ay uga wada hadlaan ajandayaasha shir madaxeedka.  

Labada hoggaamiye ayaa ka wadda-hadlay muhiimada taageerada reer galbeedka ee Ukraine. Stoltenberg ayaa u sheegay Biden in "uu rajeynayo inuu ku soo dhaweeyo Sweden xubinnimada buuxda ee NATO sida ugu dhakhsaha badan."

Shirkoodii jaraa'iid ee wadajirka ahaa ee Juun 13, Biden iyo Stoltenberg ayaa midkoodna soo hadal-qaadin wax ku saabsan xubinnimada Ukraine ee NATO, in kasta oo labaduba ay rajeynayaan in Sweden ay xubin ka noqoto. Halkaasi waxaa ka cad laba wajiileyntii uu ka digayay madaxweynaha Ukraine.

Jarmalka ayaa taxadar ka muujinaya ku soo biiritaanka Ukraine ee NATO, balse Faransiiska ayaa taageero buuxda u muujinaya Ukraine.

Finland way ku biirtay NATO, laakiin Sweden waa wali:

Bishii Maajo 2022, Finland iyo Iswidhan waxay codsadeen inay ku biiraan NATO, oo ka kooban soddon waddan (kii ugu dambeeyay ee soo galay uu ahaa Waqooyiga Macedonia 2020).

Waqtigaas, Stoltenberg wuxuu ka yiri codsiyada, "Waa wax aad u fiican inaan labadiina ku aragno isbaheysiga." Runtii, waxaa si weyn loo filayey in codsiyadan si degdeg ah loo dabagalo iyo in dhammaan afarta dawladood ee Scandinavianka ay ku jiri doonaan xerada milatari ee NATO. Norway iyo Danmark labaduba waxay ahaayeen xubno aasaasi ah 1949 (ku biiritaanka Denmark ayaa si gaar ah lagama maarmaan u ahaa si Maraykanku uu u dhiso saldhig ballaadhan oo ku yaala Greenland-Pituffik Space Base, saldhigga milatari ee waqooyiga ee Maraykanka - 1951, isaga oo barakiciyay dadkii deegaanka Inuit).

Sannad kaddib —April 4, 2023—NATO waxa ay Finland ku soo dhawaysay isbahaysiga. "Ku biirista NATO waxay u fiican tahay Finland," ayuu yiri Stoltenberg.

"Waxay u fiican tahay ammaanka Waqooyiga Yurub, waxayna u fiican tahay NATO guud ahaan."

Finland waxay xuduud aad u dheer oo ah (832-mayl) la wadaagtaa Ruushka, waana xudduudda ugu dheer mid ka mid ah Midowga Yurub ama NATO. Ku biirista NATO, Finland waxay labanlaabtay xadka NATO iyo Ruushka.

Finland waxa ay bilowday in ay dhisto xayndaab soohdin ah oo ku teedsan “goobaha ugu khatarta badan,” gaar ahaan meelaha ay soogalootiga ka yimaada Ruushku isku dayi karaan in ay ka soo gudbaan.

Madaxweynaha Finland Sauli Niinistö oo ka hadlay xafladda lagu soo dhawaynayay Finland ayaa sheegay in xubinnimada waddankiisu aanay ahayn mid dhammaystiran oo ay Sweden ka maqan tahay. Isagoo ag taagan, Stoltenberg ee NATO ayaa yiri, "Waxaan rajeynayaa inaan sidoo kale ku soo dhaweeyo Sweden sida ugu dhaqsaha badan."

Waa maxay sababta Iswiidhan loogu diidan yahay in ay kusoo biirtay isbahaysiga milatari ee reer galbeedka?

1949-kii, markii la aasaasay NATO, mabda'a go'aan-qaadashada ee ay qaateen xubnuhu wuxuu ahaa "is-afgarad," taas oo macnaheedu yahay in dhammaan dalalka ay ku heshiiyaan go'aan kasta; Go'aan-qaadashadan la isku raacsan yahay waxay si gaar ah u khusaysaa su'aasha xubinnimada.

Laba xubnood oo ka tirsan NATO -Hungary iyo Turkiga - ayaa ansixiyay gelitaanka Finland ee NATO laakiin waxay xannibeen kan Sweden. In ay u ogolaadeen NATO in ay soo dhaweyso Finland, oo-si ka duwan Iswidhan-oo xuduud toos ah la leh Ruushka, taas oo muujinaysa in aysan ahayn dagaalka Ukraine ee dhibaya labadan waddan. Waxay qabaan dhibaatooyin kale iyo khilaafaad kale oo kala dhexeeya Iswiidhan.

Khilaafka Iswiidhan iyo labada waddan:

Shir jaraa'id oo uu Washington kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken iyo Stoltenberg ee NATO, Vivian Salama oo ka tirsan wargeyska Wall Street Journal ayaa weydiiyay, "Miyaad ka walaacsan tihiin in Turkigu uu sii kordhinayo carqaladeynta xulafada?" Blinken iyo Stoltenberg, labaduba waxay dureen su'aasha, taasoo keentay Kylie Atwood oo ka tirsan CNN inay si toos ah u weydiiso xubinnimada NATO ee Iswidhan.

Stoltenberg wuxuu si cad u xusay walaaca Turkiga ee ku saabsan joogitaanka Xisbiga Shaqaalaha Kurdistan (PKK) ee Sweden. "Dhammaan xulafada NATO waxay dabcan diyaar u yihiin inay fariistaan oo ay ka hadlaan walaacyadaas, oo ay ku jiraan hanjabaadaha Turkiga ee PKK," ayuu yiri Stoltenberg.

Sannadkii 2009-kii, markii ay Iswiidhan qabatay guddoomiyaha golaha Yurub, ra'iisul wasaarihii xilligaas Fredrik Reinfeldt wuxuu ballan qaaday inuu daajin doono Turkiga si uu uga mid noqdo Midowga Yurub.

Xidhiidhka wakhtigaas, wuxuu ahaa mid adag. Dagaalka Turkiga ee sannadihii u dambeeyay uu ku hayo Kurdiyiinta laga tirada badan yahay ee ku nool Koonfur-bari ee dalka iyo waqooyiga Suuriya ayaa kiciyay bulshada Kurdiyiinta ee dibad-baxa ku ah Sweden.

Mudaaharaadyadii ka dhacay magaalada Stockholm ayuu aad uga carooday madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo marar badan u yeeray safiirka Sweden u fadhiya Ankara si uu uga cawdo dibadbaxyadan. Markii sawirka Erdogan ay gubeen guddiga Rojava ee Sweden, wasiirka arrimaha dibadda ee Sweden Tobias Billström ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray, "In la sawiro madaxweyne si weyn loo soo doortay waa wax laga xumaado." Hadalkani kuma filna. Ra'iisul wasaaraha Sweden Ulf Kristersson ayaa sheegay in dalkiisu uu leeyahay sharciyo "la-dagaalanka argagixiso" daciif ah, dawladdiisuna ay wadahadal kula jirto Ankara si ay u aragto waxa la samayn karo.

Markii uu ku sii jeeday Azerbaijan 14-kii June, Erdogan waxa uu meesha ka saaray suurtagalnimada in Sweden loo ogolaado inay gasho NATO bishan July.

Bishii Maajo 2023, madaxweynaha Hungary Viktor Orban wuxuu aaday Doha si uu uga qeyb galo Madasha Dhaqaalaha Qatar. Waxaa la waydiiyay sababta isbahaysigiisa xukunka, Fidesz-KDNP, oo xukuma baarlamaanka (135 ka mid ah 199 kursi), ay u diidaan inay ansixiyaan gelitaanka Sweden ee NATO.

Orban wuxuu si bareer ah u sheegay inuusan dib uga laaban doonin sababtoo ah "Sweden waxay si cadaalad darro ah u muujisaa ra'yi waxyeello leh oo ku saabsan xaaladda dimuqraadiyadda iyo sharciga ee Hungary.

Orban aad ayuu uga xumaaday Sweden taageerada ay siiso warbixintii baarlamaanka Midowga Yurub ee Sebtembar 2022 taasoo ku tilmaantay nidaamka siyaasadeed ee Hungary inuu yahay " nidaam isku-dhafan oo leh madaxbannaani baarlamaani ah." Ilaa Sweden ay ka noqoto hab-dhaqankan, Budapest ayaa ku taagnaan doonta go’aankeeda oo ah, ma oggolaan doonto inay ku biirto NATO.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]