7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 17, 2023
Guddiga Cunaqabataynta hubka oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay burburisay kaydka dhuxusha ee dalka

Sabti, Juun 17, 2023 (HOL) - Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan cunaqabataynta hubka iyo dhoofinta dhuxusha, ayaa waxay sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay burburisay kaydka dhuxusha ee dalka, si loo dhaqan galiyo awaamiirta golaha ammaanka ee mamnuucidda dhoofinta dhuxusha.

Warbixin ay guddigan soo saareen ayay ku sheegeen inay dhawaan Dowladda Soomaaliya ka heleen warqad ku saabsanayd burburinta keydka dhuxusha.

Guddiga waxay kaloo sheegeen inay cusbooneysiiyeen tallooyin ku saabsan habraacyada iyo shuruudaha la xiriira baarista maraakiibta looga shakisan yahay inay dhuxul ka qaadaan Soomaaliya, ama qabashada dhuxusha looga shakisan yahay inay ka timid Soomaaliya.

Dhinaca kale, guddiga cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, waxay ka hadleen codsiga uu golaha ammaanka u jeediyay ergayga Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Cusmaan Baalle, kaasoo codsaday in Soomaaliya laga qaado cunaqabaynta hubka.

Guddoomiyaha guddiga cunaqabateynta oo warbixin siinayay golaha ammaanka, ayaa sheegay in lagu jiro la- tashigii labaad ee aan rasmi ahayn, oo ku aadan cusboonaysiinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya.

Cunaqabatayntaas wuxuu sheegay inay ka mid yihiin, ka hortagga ficillada al-Shabaab iyo jilayaasha kale ee khatarta ku ah nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Guddiga Cunaqabataynta waxay geesta kale bogaadiyeen dadaalka Dowladda ee lagu wiiqayo al-Shabaab; fulinta cunaqabateynta hubka, oo ay ku jirto habka dowladdu u maamusho hubkeeda iyo dhaqangelinta mamnuucidda dhoofinta dhuxusha.