7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 17, 2023
Guddoomiye ku xigeenkii degmada Wanlaweyn oo la dilay
 

Sabti, Juun 17, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Xalay halkaas lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii arrimaha bulshada maamulka degmada Wanlaweyn Haashim Shareere.

Dilka guddoomiye ku xigeenka degmada Wanlaweyn ayaa la sheegay inuu ka dhacay tuulada Buula Xaashi oo ka mid ah tuulooyinka hoostaga degmada Wanlaweyn, kadib markii weerar gaadmo ah lagu qaaday gaari uu watay guddoomiye Haashim Shareere xili uu ku wajahna degmada Wanlaweyn isagoona shalay galinkii dambe ka ambabaxay Muqdisho oo uu ku sugnaa maalmahii lasoo dhaafay.

Dilka masulkaan ayaa lasoo warinaya iney geysteen kooxo hubeysan oo aan wali la aqoonsan, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaan inuu dilkaan salka ku haayo arrimo la xariira aanooyin qabiil.

Majirto wali wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Koonfur Galbeed uu ka tirsanaa masuulka la dilay iyo dowladda Soomaaliya intaba oo ku aadan dilka loo geystay guddoomiye ku xigeenkii degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.