7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 16, 2023
Xisbiga Kulmiye oo ka hadlay loolanka loogu jiro Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland
 

Jimco, Juun 16, 2023 (HOL) - Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Xasan Muxumed Buuni oo waraysi siiyay Sahan TV, ayaa sheegay in xisbigiisu uu doonayo in Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo reer Sool ahi uu qabto jagada guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland.

Buuni xisbiga Waddani ayuu ku eedeeyay in uu isticmaalayo guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed, si qof reer Sool ahi aanu kursiga guddoomiyaha ugaga danbayn.

"Iyaga oo aan taa hore iska bari yeelin, waxaanu ognahay maanta in ay sii wadaan fariimo uu isagii soo dirayo, oo ah bulshadii aan kasoo jeeday in anay kursiga iiga danbayn, ayuu maantana ku bixinaya juhdi, isagoo wakiilo ay u yihiin kuwo maanta halkan inala jooga" ayuu yidhi Buuni.

Buuni waxa uu ka hadlay damacaha guddoomoyenimo ee Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad ee Golaha Wakiilada Cali Xaamud Jibriil, waxaanu sheegay in kursiga guddoomiyaha ay gobolo gaar ahi leeyihiin "Dadka deegaanka Sool iyo Sanaag kasoo jeeda ayaa kursigan matalaadisa iska leh" ayuu yidhi Buuni.

Cali Xaamud ayaa dhawaan shaaciyiyay damiciisa guddoomiyenimo, isaga oo markale shalay sheegay in Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan uu u sheeegay in uu kursiga uu ka samro, taasi oo uu ku tilmaamay hadal xaqdaro ah.

Hadaba, xukuumada Somaliland ayaa kursiga guddoomiyaha la rabta Prof: Faratoon, oo isagu markii hore Khaliif kula tartamay kursiga guddoomiyaha golaha.

Faratoon oo hore uga tirsanaa xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa ku biiray urur siyaasadeedka Kaah, isla markaana dadka qaar ayaa ku doodayay in xukuumadu qof kale soo cumaamadi doonto madaama oo uu Kulmiye ka baxay, lakiin hadalka Buuni ayaa caddayn u ah in uu wali dookha kowaad ee xukuumada yahay.