7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 16, 2023
Wabiga Shabeelle oo ku fatahay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe
 

Jimco, Juun 16, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa saacadahii lasoo dhaafay fatahaad ka sameeyay deegaano dhowr ah oo hoostaga degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ilaa 72 tuulo oo dhamaantood hoostaga magaalada Jowhar ayaa lasoo warinaya inuu ku fatahay Wabiga Shabeelle, kaasoo si weyn u saameeyay Beeraleyda ku nool tuulooyinkaas oo dalagyadii u beerna uu cagta mariyay wabiga dhul beeraad lagu qiysaay 50 Hektar, islamarkaana sababay iney boqolaal qoys ka barakacaan aqaladooda.

Guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Mukhtaar ayaa sheegay in dhibaatooyin farabadan oo dhanka nolosha ah ay durba la soo gudboonaatay dadkii ka barakacay fataahada Wabiga Shabeelle uu ka sameeyay deegaanada hoostaga Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa dowladda Fedaraalka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay gargaar deg deg ah lasoo gaaraan dadka ku dhibaateysan deegaanada hoostaga degmada Jowhar.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan uu Wabiga Shabeelle ka sameeyay fatahaad xoogan oo sababtay in laga barakaco dhamaan xaafadaha magaalada Baledweyne, taasoo wali aysan kasoo kabsan dadka reer Hiiraan.