7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 16, 2023
Al-shabaab oo Shan ruux ku toogatay fagaare ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose
 

Jimco, Juun 16, 2023 (HOL) - Dagaalamayaasha kooxda Al-shabaab ayaa galinkii dambe ee Shalay fagaare ku yaala deegaanka Kuunya Baroow ee gobolka Shabeellaha Hoose ku toogtay shan ruux oo ay ku sheegeen iney ahayeen Basaasiin.

Shanta ruux ee toogashada ku fuliyeen kooxda ayaa la sheegay iney ahayeen dhamaantood rag, kuwaas da'doodu u dhaxeysay 28 ilaa 52 sano.

Maxkamadda kooxda Al-Shabaab ayaa fagaaraha lagu toogtay shanta ruux ka sheegtay iney dhamaantood qirteen iney ahayeen basaasiin la shaqeynaayay dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya.

Goobta toogashada ka dhaceysay waxaa isugu soo baxay boqolaal dadweyne ah oo usoo daawasho tagay toogashada lagu fulinaayay shanta ruux.

Todobaadkaan gudahiisa ayay aheyd markii Al-shabaab ay ku toogteen fagaare ku yaala degmada Tiyegloow shan ruux oo sidaan oo kale ay ku eedeeyeen iney ahayeen jaajuusiin la shaqeynaayay dowladda Mareykanka, Itoobiya iyo Soomaaliya.