7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 16, 2023
Somaliland oo ka warbixisay imtaxaanka shahaadiga ah oo berri bilaabmaya iyo waxa laga yeelayo ardayda reer Laascaanood

Jimco, Juun 16, 2023 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in ardayda reer Laascaanood anay geli doonin imtaxaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo Dhexe, oo berri bilaabmaya xaalada colaada awgeed.

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno, ayaa sheegay in ardayda reer Laascaanood ee colaaduhu saameeyeen ay gabi ahaanba gudbi doonaan iyaga oo aan imtaxaan galin, oo loo qiimayn doono.

"23 kii degmo doorasho ee Somaliland hal degmo uun baanu imtaxaanku ka dhacay, oo golaha wasiiradu yidhahdeen ardaydu sidooda ha u gudbaan xaalada jirta awgeed, halkaa degmana xataa tuulooyin ka mid ah ayuu imtaxaanku ka dhacaya" ayuu yidhi Wasiir Toorno.

Imtaxaanka shahaadiga ah ayaa ka qabsoomi doona badanka deegaanada Somaliland, iyada oo ay ka qayb qaadanayaan arday ka badan 40 kun, oo ku nool deegaanada kala duwan.

Wasiirka ayaa sidookale sheegay in imtaxaanka lagu gali doono gobolka Badhan oo uu sheegay in ay Puntland hore u sheegtay in aan lagu gali doonin imtaxamada Somaliland.