7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 16, 2023
Weerar lagu dilay dad safar ahaa oo ka dhacay gobolka Galgaduud
 

Jimco, Juun 16, 2023 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay duuleedka degmada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug.

Weerarka ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay geysteen Maleeshiyaad hubeysan oo rasaas ooda kaga qaaday gaari ay saarnayeen dad shacab ah oo kusii jeeday deegaanka Xiindheere, kaasoo baxay magaalada Dhuusamareeb.

Gaariga dadka shacabka ah ay saarnayeen ee la rasaaseeyay ayaa lasoo warinaya iney ku dhinteen Nabadoon lagu magacaabi jiray Cali Sheekh Cabdulle iyo gabar uu dhalay, waxaana ku dhaawacmay sadax ruux oo kale.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhacdadaan lagu rasaaseeyay gaariga dadka shacabka ah ay saarnayeen iney salka ku hayso arrimo la xariira aanooyi  qabiil oo ka jira deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka laamaha amaanka maamulka Galmudug oo ku aadan weerarkaan geystay lhasaaraha isugu jirada dhimashada iyo dhaawaca dadka shacabka ah ee masaafurka ahaa.