7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 16, 2023
Dowladda Fedaraalka oo shaacisay iney dishay mid ka mid ah horjoogayaasha ugu halista badnaa Al-shabaab
 

Jimco, Juun 16, 2023 (HOL) - Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah bixisay howlgal Shalay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa deegaanada Galcad iyo Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysnaa ayay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya sheegtay in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiray horjooge magaciisa lagu sheegay Cali Axmed Guure oo loo yaqiinay Cali Qoyane.

Horjoogahaan ayay dowladda sheegtay inuu ka mid ahaa horjoogayaasha Al-shabaab ee gobolka Galgaduud kuwa ugu daran ee dhibaatada ba'an ku hayay shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada gobolkaas.

Taliye ku xigeenka Ururka 7-aad Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab Xidigle Maxamed Xasan Abuukar ayaa u sheegay warbaahinta qaranka in dilka horjoogahaan uu yimid kadib xog ay ka heleen dadka deegaanka.

“Horjooge Cali Axmed Guure (Cali Qoyane) ayaa isagoo maqana ah waxaa ay horay Maxkamadda Ciidamada ugu xukuntay dil, waxuuna ka kamid ahaa horjoogayaasha ugu halista badan ee dadka Soomaaliyeed dhibka badan ku hayay” ayaa lagu yiri war kooban oo ay baahisay Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Howlgalka lagu dilay horjoogahaan ayaa sidoo kale la tilmaamay in ciidanka dowladda ay kusoo furteen gaari noociisu yahay NOHA iyo hubkii ay wateen horjoogahan iyo xubnaha kale ee lagu dilay howlgalka qorsheysnaa ee ka dhacay Galgaduud.