7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 16, 2023
Jubbaland oo ka jawaabtay hadal kasoo yeeray madaxweynaha Puntland
 

Jimco, Juun 16, 2023 (HOL) - Cismaan Xaaji Nuur oo ah guddoomiye ku xigeenka maamulka cusub ee gobolka Gedo uu dhawaan u magacaabay madaxweynaha Jubbaland ayaa si adag uga jawaabay hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaaso ahaa in Gedo lagu qasbayo maamul aysan raali ka aheyn.

Guddoomye Cismaan Xaaji Nuur ayaa sheegay in hadalka Saciid Deni uu yahay mid u taageero kaga raadinaayo shacabka gobolka Gedo, kadib markii siyaasadiisa ay isaga hor yimaadeen dowladda Fedaraalka iyo dowlad goboleedka Jubbaland.

“Reer Gedo wax ka halaysan malaha, madax baa xukunta uu ugu horeeyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland iyo madaxweyne ku xigeenka marka wax dhib ah oo ka jira gobolka Gedo ma laha. Dadka Reer Geddo wax aysan rabin meeshan ma yaalaan, Dowlad Goboleedka Jubbaland ayey hoostagaan” ayuu yiri Cismaan Xaaji Nuur Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo.

Wuxuu sidoo kale sheegay Cismaan Xaaji Nuur in haatan ay fowdo wadaan shaqsiyaad horay xilal uga soo qabtay Jubbaland, islamarkaana xilalkoodii ay hayaan dad iyaga ku heyb ah oo ku matala maamulka Jubbaland.

Hadalkaan kasoo yeeray guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo ayaa imaanaya, iyadoo magaalada Garbahaareey todobaadkaan gudahiisa laga celiyay diyaarad uu la socday guddoomiyaha cusub ee dhawaan loo magacaabay gobolka Gedo, kadib is hortaag ay ku sameyeen diyaarada xubno ka tirsan maamulka horay ugu magacawna gobolka iyo dad shacab ah oo kasoo horjeeda magacaabista maamulka cusub.