7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 15, 2023
Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho oo booqasho rasmi ah ku tagey Belgrade, Serbia

 

Khamiis, Juun 15, 2023 (HOL) -Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuuuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo safar shaqo ku jooga dalka Serbia ayaa maanta kulan wax ku ool ah la qaatay Duqa Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Jamhuuriyadda Serbia Mudane Aleksandar Šapić. 

Kulankan waxaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku wehlinayay Danjiraha Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya u fadhiya Jamhuuriyadda Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed, Mudane iimaan iikar La-taliyaha Duqa Magaaladda, Mudane Maxamed Xasan, Agaasimaha Xiriirka Dibadda, Madax Amniga Xarunta Gobalka Captain Bile Gutale, Agaasimaha Qorsheynta Gobalka Banaadir Eng Cabdullaahi Kheyr iyo diplomaasiyiinta ka howl-gala Safaaradaha. 

Kulanka ayay labada mas'uul kaga wada hadleen  dib u mataaneynta labadda caasimadood ee Muqdisho iyo Belgrade,  In khubaro injineero ah loo diro Muqdisho, Si ay daraasad rasmi ah kuu sameeyaan habka biyo-mareenka ee Caasimadda Muqdisho iyo Qorshaynta habsami u socodka gaadiidka dadweynaha, gaadiidka gargaarka deg deg ah, gaadiidka waxbarashadda iyo maareynta Zaxmadda Magaaladda, sida wakhtiga ay socon karaan gaadiidka xamuulka wada iyo isticmaalka goobaha gaadiidka la dhigo.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Muqdisho iyo Belgrade ay beri lahaan jireen xiriir xoogan oo ku saabsan iskaashi Horumarinta labada Caasimadood, loo a baahan yahay in la sii wado. 

Mudane. Aleksandar Šapić. Duqa Magaaladda Belgrade ayaa sheegay in xiriirka labadda Caasimadood uu ahaan jiray mid aad xoog badan. “keydka xusuus dhowrka Belgrade waxaad ku arki kartaa sida ay u wada-shaqeyn jireen madaxda Muqdisho iyo Belgrade oo ay ka mid ahaayeen Mudane Axmed Maxamud Cadde, Mudane Yuusuf Ibraahim Cali, Mudane Cusmaan Maxamed Jeelle iyo Xasan Abshir Faasax "ayuy yiri Mudane Aleksandar Šapić. 

Sidoo kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulan gaar ah la qaatay Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Amniga Dowladda Serbia Col. Milos Andjic, oo uu uga mahad celiyay sida ay Serbia u dooneyso in ay gacan uga geysato Dowlad dhiska Soomaaliyeed Guud ahaa.

Sidoo kale, Gudoomiye Madaale ayaa la kulmay shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ku takhasusay dhismayaasha buundoonyinka, wadooyinka iyo uruurinta dhakhliyadda canshuurta.