7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 15, 2023
Wariye mucaarad ku ahayd xukuumada Somaliland oo muddo bil ah ku xidhan Hargaysa

Khamiis, Juun 15, 2023 (HOL) - Wariye Bushaaro Cali Baandey oo caan ku ahayd dhaliisha xukuumada Somaliland, ayaa muddo bil ah ku xidhan saldhiga dhexe ee booliiska magaalada Hargaysa, iyadoo wali aanu xukun maxkamadeed ku dhicin.

Baanday oo xabsiga la dhigay 15 bishii May ayaa la qabtay xili ay isku dayaysay in ay safar dhulka ah Somaliland kaga soo gasho xuduudka magaalada Tog-wajaale, wariyahan oo dagan magaalada London ayaa marar badan safar dhulka ah kusoo gashay Somaliland iyada oo ka cabsi qabta in madaarada lagu qabto.

Hadaba, muddo bil ah kadib wali wax xukun maxkamadeed ahi kuma dhicin, lamana oga danbiga rasmiga ah ee loo haysto, garyaqaanka u doodaya wariyahan oo warbaahinta la hadlay 24 May, ayaa sheegay in baadhis ay socoto oo anay jirin eed rasmi ah oo lagu soo oogay.

Intii ay xidhnayd dhowr jeer ayaa maxkamada la horgeeyay, iyadoo markasta ay maxkamadu u jaraysay maalmo xabsi ku sii hayn ah, taasi oo hada muddo bil ah maraysa, hadaba saaka ayay markale Maxkamadda Gobolka Maroodijeex u jartay 4 cisho oo kale oo xabsi ku sii hayn ah.

Uruka saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa bayaan uu soo saaray 23 May ku cambaareeyay xadhiga Baanday, isla markaana codsaday in lasii daayo, sidookale qaar kamid ah saxafiyiinta Somliland oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay in lasii daayo.