7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 15, 2023
Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo ku dhawaaqay in la hakiyay kulamada Golaha
 

Khamiis, Juun 15, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Aadan Madoobe ayaa Maanta shir guddoomiyay kulanka 23-aad ee Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.

Kulankaan ayaa ajendihiisu ahaa hakinta fadhiyada Golaha Shacabka inta lagu guda jiro gudashada acmaasha Xajka, fasaxa Ciidda iyo ajandeynta warbixinnada la xariira la xisaabtanka Xukuumadda.

Guddiga Joogtada ayaa inta uu socday kulankooda waxay isla meel dhigeen in la hakiyo fadhiga Golaha Shacabka laga bilaabo Sabtiga soo socda oo ay taariiqdu ku beegan tahay 17-Juun 2023-ka, waxaana guddiga sidoo kale ay shaaciyeen in fadhiyada Golaha dib loo furi doono 5-ta bisha Julaay ee sanadkan 2023.

Guddiga ayaa sidoo kale kulankooda kaga hadlay in Xukuumadda Federaalka ay soo gudbiso xisaab xirka miisaaniyadda ugu dambeyn 30-ka bishaan Juun si waafaqsan Qodobka 102-aad faqradda 1-aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.