7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 15, 2023
Shir u dhexeeyay Dowladda federalka Soomaaliya iyo hay'adaha lacagta adduunka oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi
 

Khamiis, Juun 15, 2023 (HOL) - Waxaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya lagu soo gabagabeeyay shir u dhexeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya, Hay'adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka kaas oo looga hadlayay barnaamijka ECF(Extended Credit Facility) ee hannaanka Deyn Cafinta.

Shirkaan oo socday muddo 4 maalin ah ayaa lagu gorfeeyay hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya, dib-u-habeynta Maaliyadda, dakhliga gudaha, nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda (PFM) iyo Maamul wanaagga. Waxa sidoo kale diirradda lagu saaray sharuudaha dayn Cafinta Soomaaliya iyo dhamaystirka barta go’aan qaadashada (Completion Point).

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo shirkaan soo xiray ayaa sheegay in 4-tii maalin ee uu shirkaan socday diirada lagu saaray arrimaha mudnaanta u leh dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka Barnaamijka Deyn Cafinta oo inta badan Sharuudaha horumar wany laga sameeyay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa xusay in tallaabooyin iyo wadashaqaynta hadda laga gaaray Barnaamijka ECF ee IMF ay ku dhawaynayso waddada dhammeystirka guud ahaan Deyn Cafinta Soomaaliya.