7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 15, 2023
Madaxweyne Deni: Waxaan diyaar unahay inaan si gooni ah ula xaajoono dowladda federalka

Khamiis, Juun 15, 2023 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi, ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu Dowladda federalka la galo wada xaajood gooni ah.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inuu xil gooni ah iska saarayo sidii looga wada hadli lahaa arrimaha masiiriga ah ee Dowladda federalka iyo Puntland.

Deni wuxuu sheegay inuu magacaabay guddiyo isugu jira golayaasha maamulkiisa iyo dad quburo ah, kuwaas oo kasoo talo bixinaya wada xaajoodka Puntland ay la galayso dowladda Soomaaliya, si heshiis looga gaaro khilaafka.

“Waxaan halkaan ka caddeynaynaa in aan aragti ka leennahay xalka qodobada masiiriga ah ee dhameystirka geeddi socodka dowlad dhiska hannaanka federaalka Soomaaliya. Waxaan diyaar unahay inaan Dowladda federalka si gooni ah uga xaajoono sidii loo gaari lahaa heshiis kama dambeys ah,” ayuu yiri Deni.

Dhinaca kale, madaxweyne Deni ayaa sheegay in Puntland aysan marnaba diyaar u ahayn inay ka qeyb gasho shirarka madasha wadatashiga qaran.

 “Ma jio wax heshiis ah oo ka hirgalay Dowladda federalka. go’aannada golaha watashiguna ma aha kuwa u adeegaya danaha ummadda. Go’aanadooduna waxay halis galin karaan wadajirka dalka Soomaaliya,” ayuu yiri Deni.

Madaxweyne Deni wuxuu kaloo sheegay in aanay waxba ka jirin heshiisyadii siyaasadeed ee ay horey u galeen madasha wadatashiga qaran.