7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 15, 2023
Xiisad dagaal oo ka taagan degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool
 

Khamiis, Juun 15, 2023 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya saakay magaalada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in wali halkaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeeysa ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa Militariga dowladda Soomaaliya.

Xiisada dagaal ee saakay laga dareenayo Ceelbarde ayaa daba socota dagaal culus oo Shalay galinkii dambe halkaas ku dhexmaray ciidamada dowladda Fedaraalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in labada ciidan ay wali isku horfadhiyaan xaafadaha degmada Ceelbarde oo aysan jirin cid kala dhexgashay, islamarkaana laga cabsi qabo inuu maanta markale halkaas dagaal ku dhexnaro labada ciidan.

Dagaalkii Shalay ka dhacay Ceelbarde ayaa inta la xaqiijiyay waxaa ku dhintay dad gaaraya 10 ruux oo ay ku jiraan dad shacab ah oo rasaasta labada dhinac u dhaxeysay ay haleeshay iyo askarta dagaalantay.

Si kastba dagaalkan ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalmo ka hor dagaal noocan oo kale ah uu ku dhexmaray magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed, kaasoo geystay khasaare kala duwan.