7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 15, 2023
Garowe oo saakay ku jirta marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah

Khamiis, Juun 15, 2023 (HOL) - Magaalada Garowe ayaa saakay ku jirta marxalad siyaasiyadeed oo xasaasi ah, iyadoo isha lagu hayo furitaanka kalfadhigga baarlamaanka Puntland.

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Garowe, gaar ahaan aagga xarunta baarlamaanka Puntland, xilli uu saaka furmayo kalfadhiggii ugu dambeeyay ee baarlamaanka Puntland.

Xalay warqado digniin ah ayaa lagu daadiyay Garowe, iyadoo dadka loogu digayay inay ka fogaadaan aagga  xarunta baarlamaanka, oo laga cabsi qabo inay rabshado ka dhacaan.

Lama oga sababta ka dambeysa arrintan, hase yeeshee siyaasiyiinta mucaaradka ayaa horey baarlamaanka uga digay inuu qaado tallaabo ku saabsan wax ka beddelka dastuurka.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in madaxweyne Deni uu baarlamaanka saakay horgeynayo in dastuurka la furo, si wax looga beddelo tirada ururada  xisbiyo u gudbi kara.

Waxaa kaloo madaxweyne Deni laga sugayaa inuu baarlamaanka ka horjeediyo sababta doorashadooda u baaqatay saddexda degmo oo ay magaalada Garowe kamid tahay.

Xalayna xildhibaan Cabdiqani Dhaashane oo katirsan baarlamaanka Puntland ayaa Garowe loogu geystay jirdil ay ka dambeeyeen koox hubaysan oo aan haybtooda la garanayn, inkastoo uu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen siyaasiyiinta kasoo horjeeda doorashada.

Xildhibaankan ayaa kamid ah dadka aadka ugu dhow madaxweyne Deni. Wuxuu shalay ka hadlay arrimaha doorashadda, isagoo duray siyaasiyiinta mucaaradka ee diidan doorashada.