5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2023
Mahdi Guuleed: Muuse Biixi wuxuu yidhi ma jirto meel Soomaali ku kala tagi karto
 

Arbaco, Juun 14, 2023 (HOL) - Raysal Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa madaxweynaha Somaliland usoo jeediyay eedo ay kamid yihiin in uu aqbalay in Somaliland la midowdo Soomaaliya iyo in uu codsaday in lacagtii suuqa Waaheen akown gaar ah loogu shubo.

Mahdi Guuleed oo hada ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa Madaxweyne Biixi ku eedeeyay in kadib markii uu ku guulaystay doorashadii 2017, uu Madaxweyne Farmaajo u sheegay in loo baahanyahay in midnimadii lasoo celiyo.

"Waxa uu ku yidhi Soomaali way gumowday, waxaynu u baahanahay in aynu Soomaali daba qabano, ma jirto meel ay Soomaali ku kala tagi kartaa" ayuu yidhi Xildhibaan Mahdi Guuleed oo waraysi gaar ah siiyay MMTV.

Waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay in uu yahay shakhsi maalinta ay xaaladu ku adagtahayna soo wici jiray Madaxweyne Farmaajo, oo uga sheekayn jiray Soomaali jacayl, marka ay arrimuhu iskugu toosanyihiina aan cidna aqoon.

Waxa uu Biixi ku eedeeyay in kulan uu Addisababa kula yeeshay Farmaajo uu wax walba ku ogolaaday, sida in dib loo midoobo oo madaxweynaha Soomaaliya Somaliland la siiyo, isaga oo sheegay in Raysal Wasaare Abiye uu Madaxweyne Biixi u sheegay in anay jirin cid Somaliland aqoonsanaysa.

Waxa uu sheegay in madaxweynuhu uu sabab u ahaa dagaalka Laascaanood oo aanu siin fursad lagaga heshiiyo intii garaadada iyo siyaasiyiinta deegaankaasi ay wadahadalka ogolaayeen, isla markaana aanu rabin in uu doorasho qabto.

Waxa kale oo uu ku eedeeyay Madaxweyne Biixi in uu codsaday in lacagtii dowlada Soomaaliya iyo ganacsatadu ku caawiyeen gubashadii suuqa Waaheen, loogu shubo akown shakhsi ah.

Wali xukuumada Somaliland wax jawaab ah kama bixin eedaha uu xildhibaanku usoo jeediyay Madaxweyne Biixi.