7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2023
Hay'adda Duulista Rayidka oo soo saartay go'aan farxad galinaya Soomaalida haysata Baasaborada Ajinabiga
 

Arbaco, Juun 14, 2023 (HOL) - Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday inaan wax Viso ah looga baahneyn iney horay u soo qaataan Soomaalida haysata baasaboorada dalalka Shisheeye, taa badalkeedana dal ku galka lagu siinayo garoomada ku yaala gudaha dalka.

Talaabadaan ay ku dhawaaqday hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa ah mid si gaara u farxad galineysa dadka Soomaalida ah ee wata baasaboorada ajinabiga ah.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), waxay ku wargelinaysaa muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo cidda ay quseyso; inan wax fiiso ah looga baahneyn inuu horay usoo qaato qof kasta oo Soomaali ah ee sita Baasaboor kasta iyo goob walba oo ka soo dhoofayo, waxaana fiisaha lagu siinaya garoommada Dalka (visas on arrival)” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Soomaali badan ayaa horay dhibaatoyin kala kulmay safaradooda diyaaradaha Caalamiga, kuwaas oo safaradooda looga reebayay dalka ku galka diyaarada u socda magaalooyinka dalka.

Si kastaba ha ahaatee Shalay ayay aheyd markii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya ay soo saartay Warsaxaafadeed kan la mid ah oo ay ku caddeyneysey inaysan jiri karin diyaarad ka soo tagi karta ama diidi karta iney qaado qof kasta oo asalkiisu yahay Soomaali heysatana Baasaboor ajnabi ah dunida meel kasta uu ka yimaado.