7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 14, 2023
Mareykanka oo 5 Milyan oo doolar dul dhigay madaxa hoggaamiye ka tirsan kooxda Al-shabaab

Arbaco, Juun 14, 2023 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa lacag Malaayiin doolar ah duldhigtay madaxa hogaamiye ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ay magaciisa ku sheegtay Cabdullaahi Cismaan Maxamed.

War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu shaaciyay in ninkan madaxiisa ay dul taalo lacag dhan Shan Milyan oo dollarka Mareykanka ah, lana siin doono qofkii keena xog lagu dili karo ama lagu soo qaban karo Cabdullaahi Cismaan Maxamed oo Al-shabaab u qaabilsan sameynta qaraxyada.

Qoraalka kasoo baxay Mareykanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ninkan uu yahay Injineer ku taqasusay sameynta qaraxyada iyo waxyaabaha la midka ah, islamarkaana dowladda Mareykanka ay si aad ah u daneyneyso in ninkaan xogtiisa ay hesho.

Cabdullaahi Cismaan ayaa sidoo kale Mareykanka uu sheegay inuu ka mid yahay lataliyaasha sar sare ee Amiirka kooxda Al-shabaab.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay dowladda Mareykanka xubno ka tirsan Al-shabaab ay madaxooda dul dhigaan lacago Malaayiin doollar ah.